• login

  • ____________________________
  • Archives

QALBIJACEYL MA QUUSTAA ?!!!!!!! Q-2aad

Hadaba warqadaas waxay u qorneeyd sidatan “Walaalkey Farxan caawa waxan rabaa inaan ku sheego sir aan wax badan qarsanayey, Farxaanow Somalida waxay tiraahdaa wixii aad qarsato wey ku qarsadaan, balse caawa waxaa si kal iyo laab leh ku leeyahay haddii aan noolahay adiga ayaa ku noolahay haddii aan dhintana adiga ayaa kaa dhintay, ee Farxaan macaane waan ku jeclahay”

intaas markaan arkay ayaan yaabay, oo aan madaxa qabsaday waa murugo iyo argagax cusub waa caloolyoow iyo shaki oo maxaa yeelay weligeey isma laheyn Fatxi ayaa ku caashaqi doonto, runtii waan iska ilmeeyay waxaan dhex galay moowjada cusub murugo iyo walwal waxaan sameeyo ayaan garan waayay, anigoo isku buuqsan garan la’ waxaan ku dhawaaqo ama aan ugu jawaabo ayaa waxaa dhacay aadaanka salaadda cishe mudoo dhan hal saac oo aan madaxa heeystay kadib waxaa wadada soo maray Xassan oo ah Saxibkey oo u socday masaajidka ra’uuf oo u dhawaa xaafada aan ku noolaa waayo Salaadii cishaha aheyd ayaa lageli rabay. Wuxuu dareemay inaan murugsanahay murugadase waxaa igaga darnaa oo aanan waligeey arkin ilmo aan xad laheeyn iyo arrinkaan cusub shaqsigu waa Fatxi oo aan garanayo abaalka ay ii gashay, jaceeylna ma sahlana waa murugo iyo mashaqo inteeda la’eg, markaasuu igu yiri caawa maxaa kuugu dhacay waa adiga ilmeeynaye miyaa lagu soo dilay, Maba ogeyn xilli aan u dhiibay warqadii ay i soo qortay Fatxi, sidoo kale Xassan wuxuu ahaa saxibkey aan ifka ugu jeclaa waxbana maanan kala qarsan jirin, dhalinyarada wuu iiga soocnaa wuxuu ahaa qofka Fatxi ii labeeyo ama aan is booskeeda ii buuxin karo, Wuxu akhriyay warqadii ay i soo qortay Fatxi, wuxuuna igu yiri war nin yahow waa gabar kaftan badan ee armeysan ka aheyn dhab, hadana wuxu i raaciyay Fatxi waan hubaa oo waxaan oo kale kuma kaftameyso ee Farxanow iska hubi, haddii aad ka dareento Jaceyl, aniga waxan kuugula talin lahaa hadhaafin, maxaa yeelay waa gabar dhan walba ka dhisan.oo edeb iyo asluub rabbi hiba u siiyay hablaha asaageeda ahna ka damiir badan kana qiima badan.
Habeenkii wax jawaab ah maanan siinin, waxan iska galay uun qolkii aan guriga ka dagenaa, waxaan dhex maquuray jawi cusub dhib iyo dhalanteed, waxaa ku fikiray sidee baad Jaceyl ula wadaagi kartaa, adigoo og ninka gabadhaan dhalay, hadana waxaan iri waxaas kabax ee bad baadi gabadha walaashaa ah ee ku caashaqday, mar kale ayaa is dhahay gabar ay dhashay Eedadaa misana aad hal guri wada dagen tihiin Farxanow sidee u damci kartaa, Ugu danbeen waxaan qaatay taladii saxibkey Xassan ee aheyd iska hubi haddii ay dhab ka tahay hadhaafin, ileen waa gabar dhan walba ku wanaagsanee.Waxaan uguda galay baaritaan dheer oo qaatay mudda badan waxaan ogaaday in ay dhab ka tahay oo ay aad ii jeceshahay.
Mudo 6 bilood kadib, ayuu anna i qaaday cudurkii cashaqa ahaa ee hora u qaaday dhigeeyga fatxi waxaan wada socono oo aan wada kaftano jaceyl macaana aan iskaga jirno, nolol wacan aan dareemeeyo ayaa waxay maalin maalmaha kamid ah ay Fatxi igu tiri macaane waxaa kaa codsanaayaa arin yar oo aanan dhib kuugu aheyn, anigoo is leh taloo maxay ku dhihi doontaa ayay igu tiri sidee u aragtaa qeyb kamid ah jirkeeyga haddii aad magacaaga ku qorto?
Intii aanan u jawaabin ayay igu dhahday macaane haddii aad i jaceshahay fadlan i samey, waa codsi aan kaa codsaday! Waan ku jeclahay ayaa wax walba ka weeyn dhab laguu dhahay, Waxay ila noqotay arin aanan wanaagsaneyn waxaan ka codsaday in ay iska dhaafto bacdamaa xagga Diinta ay tahay wax aysan Diintu ka rali aheyn?
Fatxi wey iga ogolaatay, 2 bilood kadib waxan arkay gacanta Fatxi oo macayga ku qoran yahay, iyadoo lagu qoray DAB. marki aan arkay Fatxi waa ka xanaaqay oo waan ku yara qeyliyay, hase ahaatee waxay iigu jawaabtay “Macaane aad baan ku jeclahay, jaceylkaaga ayaa heerkaan i gaarsiiyay”. Xaqiiqdi hadalkaas markii ay igu tiri waan ka qancay, oo waan ku jeclahay ayaan aheeyn wax sahlan, wuxuuna hadalkaasi igu abuuray kalsooni balaaran, 2 sano xilli ay kasoo wareegatay ayay Fatxi xanuunsatay, gacanta Fatxi oo uu ku qoran yahay magacayga ayaa waxaa arkay Maxamed oo ah Fatxi da’dii ka weyneyd, wuxuuna durbadiiba ku war geliyay Aabihiis.
Odayga oo ay soo gaartay sheekadi ayaa aad igu qeyliyay, iguna dhahay wax walba oo af kiisu soo qabtay oo ay kamid aheyd “xagey geeneysaa gabadhayda, maxaadse siineysaa, faqiir ayaad tahay, hooya malihid, aabe malihid, waryaa baqti baqti dhalay baa tahay ee gabadhayda ii aamaan geli”, isagoo iga raacadeyay gurigii aan intaan kusoo ekaaday, yaa gar yaqaan jaceeyl ah: jaceeyl faqiir mayaqaanaa, Nin hooyo leh iyo mid aan laheeyn makala garanayaa, Fatxi ayaa xanuunsatay waxaana ku dhacay cudrka somalidu u taqaano Cagaar-show, Waxay gashay Cisbitaal Deynile.waxeey gashay Koomo oo xaalkeeda ayaa aad u liitay waxaa isku helay jaceeyl iyo Cagaarshoow oo labduba beerka dego haba ku sii darnaado jaceeylka ay ii qabtee hadana xalkeedu marna muusan is bedelin oo jaceeylki halkiisa ayuu kaga sii lixaadsaday oo waxeey gaartay xilli ay iloowday noloshi kale iyo iftiinka dunida waayo muddo 2 bil ah ayaa waxaa uwada tashaday oo iskula soo martiyay 2 cudur oo ah dilaa ah beerkana deris la ah.
Fatxi oo xaalkeedu liito oo aad iiga wal-walsaneeyd oo aad moodo in ayba iloowday dhibka heeysto ayaa waxay i soo dirtay fariin oo ay leedahay si walbo oo aan u jiranahay, xaalkasta oo aan kusuganahay dhibkasta oo aan maro fadlan waa ku baryaa, Macaane meeshaan ha igu soo booqon, waayo Aabahey waa bahal,naxariis daran, jaceeylka aan garaneeyn waxa uu gudo iyo wuxuu galo, waa manaxe habeen iyo maalin isaga ayaa ila jooga, waaridayaha uu iga hayo ayaan la reeysan la ahay, dood iyo dagaal aan dhamaanbaa na dhexmara maaalin iyo habeen, waxaana ka baqaayaa adigoo i soo booqanaayo inuu ku arko dabeedna uu ku dilo.dhib kii aan kugu ogaa iyo jaceeylka aad ii qabto lee hakuu ahaado midkale maya macaane, wixi dhib iyo murugu ah waa aniga wixi faraxad iyo damaashaad ahna waa adiga waana kuugu calool fiyoobahay gacaliye.
Hadalka fatxi aad buu ii dhiiragaliyay marna wuu i naxdin galinayay, waayo wixi farxad ah waa adiga ayaa i dhibeeysay, bale Anigoo u baahan gacalisadeyda inaan soo booqdo, ayaan hadana waxa kahor mariyay codsigaydii ahaa inaanan meeshaasi kusoo booqan habeen iyo maalin saacad walba oo aan joogo ducada afka maanan ka bixin jirin sidoo kale Masaajidkana maanan ka bixi jirin, anigoo Alle ka baryi jiray inuu caafimaad degdeg ah ii siiyo gabadha aan ifka ugu jeclahay ee Fatxi. Nasiib wanaag Alle wuxuu siiyay caafimaad wanaagsan, waxay dib ugu soo laabatay gurigii la’iga soo ceyriyay, Waxaan iskala noolaa Saxibkeey Xassan Hooyadii Caasha waxay iyana ii gashay Abaal weyn waxeey ii aheeyd hooyo ii dhashay mataankeeyga ahna sxbkeeyga qaaliga ah ee aan raga sxbka kale ahay waxna aanan kala qarsan, waayo kalsoonida aan isku qabno ayaa aheeyd mid aad u sareeysa. Marnaba ismaan dhahin sxbkaa dhinaciisa ayaa culeeys kaaga imaanayaa ama aad wax dhib ah ka dareemi doontaa.
Intii ay Fatxi Cisbitaal Deynile ku jirtay ayuu igu dir-diray aabaheed isagoo ku dhihi jiray ninkaan muxuu ku sheegaayaa waa faqiir, aabe malahan, hooyana malahan, wax uu heeystana malahan, wax adigu aad siisa mooyee ee baanaanka iska mari waxaan ku siinayaa wiil uu dhalay Adeerkaa Libaan oo jooga Canada oo doonaya inuu ku guursado, isaga ayaana Canada ku geenaayo ee sidaas ula soco, halka ay iyana durbadiiba ay ka aqbashay. canadas ma waxeey ka doorbiday jaceeylkii gaarsiiyay in ay Dab kula qorto magaceeyga jirkeeda, mawaxeey ka doorbiday dhibkii ay cusbitalka u gashay oo ahaa mid aan wali bogsoodin, yaa u sheega in calafku inuu ka awood badanyahay wax walbo.
Malah fatxi waxeey la dhacday Canada ayaa lagu geeynayaa oo caafimaad buuxa ayay heshay, Canada ayaa lagu geeynayaa aya wax walba ilowsiisay, jaceeykeedi dhibka badnaa ayay ku dooratay lacag iyo dibad, waxaan aamusnaadaba afkibaa juuqda gabay waxaan dhararayay kulanka xasasiga ah ee na dhex maridoona aniga iyo gacalisadeeyda Fatxi maadaama ay in muddo ah bukaan aheyd xaalkeeduna uu aad u xumaaday, waxaan ku haminayay inaan ka maqsudi doono sheeko iyo kalgacalkii dhibka badna oo ay soo martay anna aan ku cibra qaadan doono cashar lama ilaawaan ahna ii noqdoono.
Waxaan isku soo diyaariyay si aanan waligeey u diyaar garoowin maadama dumarka tii aan ka doortay iiguna baaqday ragga iney igadooratay ii soo caafimaaday iyo sheekadu ineey isku dubba dhacdo oo waxaan horay u soo watay sxbkeeyga qaaliga ahaa ee aan aadka u jeclaa si uu arrinka wax uga ogaado.
waxaan soo kaftannaba waxaan si ganbasho ku imaanay gurigii Fatxi oo aan moodayay inuu yahay gurigeygi, waxaase u diray wiil yar oo Fatxi ladhashay oo awalba aan anigu Bari Jiray Qur’aanka, hase ahaatee waxay ku tiri u sheeg farxaan nuxurkiisii waa uu dhamaaday. Wiilkii yaraa ayaa ii imid isagoo i sheegay fariintii, illeen aduunyadu weey laba bogleeysaa waa aduunyo illeen aayaha malahane, waxaa ii soo baxday qorax cusub waxaana ii soo ifay ayaatiin xumo iyo raja beel maadaama hadalkaasi ahaa mid aad ii dhibay ayaan hadana is weeydiinay aniga iyo sxbkeey wuxuu igu dhahay waxaas kaftan ayay ula jeedaa malaha weey ku baroobeeyneeysaa in xasuusteedi kaa ba’day iyo inkale maadaama aadan in moddo ah wada kulmina, arrinkaas wuxu ila noqday mid macquul ah balse daqiiqado kadib marki aan waayay wax soo socda dhagtuna ay la socoto shanqadha ka yeereeysa hooyga ayaan adkeeysan waayay oo aan go’aansaday inaan u galo wax walba heeygu qaadatee, waxaan gudaha u galay gurigii anigoo abaaraya qolkii ay Fatxi joogtay, waxaa wada joogay dhamaan caruurta la-dhalatay, Eedadey iyo Aabaheed, waxaan ku iri maxaad sidaan igu rafaadineysaa haddii aan imid guriga oo aan fariin kusoo diray maxaad sidaan igu ciqaabeysaa? Laba kala barisay kala war la’a illeen waxaa la soo saaray canjal oo waxaaba lagu soo gooyay password, Waxay igu tiri “ii sii daay gacanta ee imood aniga weligee wax jaceyl ah kuuma qaadin mana jeclaado ruux faqiir ah sidaada oo kale malaha waanba qaldanaaye waxaad tahay wecel aan aabe iyo hooyo toona laheeyn”, meeshii cir laga sugayay ayaa ceeryaamo ka timid, Hadalkaas wuu ii cuntami waayay waxaan ku iri waan ogahay waad i jaceshahay ee shalay markii uu ku haayay xanuunkii jaceylka maanan kuugu fiirsan ee walaaley maanta aad baan kuugu bukaa ee ii naxariiso Alle hakuu naxariistee!Waxay jawaab iga dhigtay intey sinaha qabsatay ayay dhulka candhuuf ku tuftay misana kor ii eegtay igu tiri haddii aad mar danbe i dhahdo waan ku jeclahay, iska jir Aabahey ayaa shaqadaada yaqaano, waadna ogtahay sida uu kuula dhaqmayo, kadib ayay si degen u dhaqaaqday oo xarago badan malaha aniga ayay dib ii xasuusineeysay nolosheeda mise jees-jees igu tiri maxaad lataagantahay naxariis aan kuu galaa waa kaa naaska habartaa ee gurigeena inooga bax waryaa edeb malihide hadalkaas ayaa waxaa maqlay ninki odayga ahaa ee eedadeey qabay iguna dhahay si caroleh war orod oo ii dhaaf irideeyda iguma simin hadal oo kaliya wuxuu durba la soo baxay ul waxaa naftu isiin weeysay inaan ka cararo jaceylka murugadu ka danbeeysan daraadiis, wuxuu igu garacay ul aad u weeyn oo malaha aanba insaan loogu talagalin xitaa xoolaha aan looquurin.
Anigoo ah dhibane kaceeyl hadana dhibkiisa si toos ah u soo dhadhamiyay ayaaa waxaa qeeyladeeni ku soo baxay sxbkeey oo ii soo galay gurigi igana qabtay ninki naxariista darnaa iyo tii aan arxanka ka sugayay oo iwada dilaya, fatxi ayaa hadal xun ku dhaheeyso ismaan laheeyn iskaba daa in ay gacan ii qaadee, balse wuxu waa aduunyo weey is babedel badantahay marna waa farx marna waa murugo iyo yaab.Aduunyooy xaalkaa ba’a maxaad umuura badantahay waxaan galay nolol mugdi ah wax aan sameeyo aniga oo garan la’a meeshina balaayo iga raacday dhiigeeyguna qulqulayo tii aan maciina bidayna sidaan noqotay ayaa sxbkeey gacanta iga soo qabtay waa yaab.
Waxaan soo soconaba oo aan wada fikireeyno ayaan socon waayay oo aan dhulka ku dhacay oo waan dhiig baxay malaha anna ma dareemin sxbkeeyna wuu iga darnaa hadal dhan ayaan ka waayay waxaa igu dhacay indha madoobaad, halki ayuu iga tagay oo gaari ii doonay wuxuu i geeyay hospital maadaama aan dhib hore qabay hadana aan aad u dhiig baxay, wax dareen ah maba laheeyn ama nuuxsi ah marki iigu war danbeeysana waxaan wada joognay fatxi, waxaan soo toosay aniga oo faleembo igu taagantahay waxaan is weeydiiayay waxa igu dhacay waxaan si naxdin leh ku dhahay meesha yaa ikeenay, maxaa ig dhacay, fatxi meeye, mise weey dhimatay.
Xassan ayaa i shegeay in dhibkaan i soo gaaray gacalisadeeyda madaxeeda, waxaa iiga darneeyd fatxi iyo amuuraha jaceylka ee aan dhex maquurayay, waayaab riyo maalmeed ayaan kabixin wayay iyo walaac, sxb is deji ayuu igu dhahay saxiibkeey Xassan waxan ka codsaday in cusbitaalka leeyga saaro oo leey geyo Fatxi balse wuxuu dib ii xasuusiyay waxa aan meesha la jiifaa in ay tahay nabarka fatxi ii geeysatay.wax aan ku hadlo ayaan waayay ah! ah! ah!!.
Waxaan ka codsaday inuu igu caawiyo inuu ii Waco fatxi balse nasiib wanag waxeey hadal ku soo gooysay noloshiisa iyo geeridiisa waxaan ku farxayaa geeridiisa faqiirka jaceeylku galay cudrkiisa yuusan igu qabadsiin ilaah ayaan kamagan galay Nin faqiir ah oo aan wax ehel ah laheeyn.malah waxaa si fudud uga tanbadshay waa lagu wadaa, lkn kumeeysan darin qorshaha in aan arrinkaas u simanahay.
Wagareey waa layaab wagar wagar, tii shalayba maha illowsha dhawaa, Anigoo iska ooynaayo ayaa isbitaalkii leyga soo saray, marki aan halkaas marayo aduun iyo aakhirana u dhaxeeyo ayaan waxaa go’aan ku gaaray inaan shaqeysto, Bil kadib anigoo iska rafaadsan hurdana ay igu yartahay, fikirku iga badanyahay ayaan maqlay Fatxi waxaa lagu mehriyay Wiil ka yimid Canada.Waa iska ooyay dhulka ayaa isku garaacay, cir iyo dhul ayaa ila wareegay, anigoo ku calaacalay caku nimaan hanti heysan, Ayaa waxaa dhacay arooskeedi oo muddo 3 maalmood ah socday, waxayna ku aqal gashay Hotel Saxafi ee magaaladda Muqdisho.

Leave a comment